Waxaa la filayaa in maanta Turkiga ay ka bilaabato dacwad lagu oogayo laba weriye.
Labadaasi saxafi waxa ay u shaqeeyaan warqeyska ugu horeeyay Turkiga ee Cumhuriyet.
Can Dündar, oo ah tafatiraha, iyo Erdem Gul oo ah madaxa wargeyska ee Ankara ayaa lagu eedeeyay jaajuusnimo.
Eedaasi ayaa waxa ay ka dhasheen daabacaadda warar sheegayay in dowladda Turkiga ay hub si qarsoodi ah u siineyso mucaaradka Suuriya.
Madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, ayaa gudbiyay si shaqsi ah, dacwad ka dhan ah labada weriye.
Labada nin wey beeniyeen dhammaan eedaha loo haysto.
Dadka u ololeeya xuriyadda warbaahinta waxa ay kiiskan u arkaan mid siyaasadeed iyo aamusiinta weriyayaasha ka soo horjeeda madaxweyne Erdogan.
Dacwad oogayaasha waxa ay dalbanayaan in xabsi daa’in lagu xukumo haddii dembiga lagu helo.