Home Wararka Kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare oo lagu kala dareeray

Kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare oo lagu kala dareeray

SHARE

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay loo qeybiyay Xeerkii ay maalin kahor soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadanaa in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World ayaa maanta ka dooday arintaasi.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, Waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta bilaabay ka doodida Qodobkaasi  ayaa ku kala aragti duwanaanaday.

Dood Kulul oo ay yeesheen  Xildhibaanada Aqalka sare ayaa saacado badan socotay, waxaana kulanka oo lagu waday in doodiisa la soo gunaanado ka hor salaada duhur uu kusoo dhamaaday Natiijo la’aan.

Kulankii Xildhibaanada ayaa waxaa hareereeyay buuq iyo Sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare ka dib markii la isku khilaafay Waqtiga ka doodista qodobkaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in kulanka Waqtigiisu uu dheeraaday, islamarkaana ay sii wadi doonaan ka doodida qodobaasi, xildhibaanada Aqalka Sare maalmaha soo socda.