Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi kooxo hubeysan ay ku toogteen nin ganacsado ah oo si weyn looga yaqaano Magaalada Beledweyne.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cusmaan Muumin , waxaana uu ka mid ahaa Ganacsatada gobolka Hiiraan.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda howlwadaag gaar ahaan Agagaarka xarunta Ciidamada Jabuuti.
Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Kooxihii dilka geystay oo ahaa dhalinyaro ayaa goobta ka baxsaday.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa halkaasi waxa ay ka sameeyeen howlgallo , waxaana ay kusoo qabteen tiro dhalinyaro ah.