Ugu yaraan 5 Askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda Masar oo ku sugnaa gacanka Siinay ee dalka Masar.
Weerarka ayaa ka dhacay Barkontarool oo joogeen ciidamadaasi.
Wasiirka arimaha gudaha Masar ayaa sheegay in la toogtay labo ka mid ah Kooxihii weerarka soo qaaday.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid lagu eedeeyay in ay ka dambeysay weerarkaasi.
Todobaakii lasoo dhaafay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dileen 8 askari oo ka tirsan Booliska Masar waxaana uu weerarkaasi ka dhacay Gacanka Siinay.