Kooxda Liverpool ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay naadiga Southampton kadib markii looga badiyay 3-2.
Liverpool ayaa qeybtii hore ee ciyaarta la hormartay labo gool, iyadoo qeybtii danbe ay kooxda Southampton heshay sedex gool halka ay rigoore iska qasaarisay.
Kubad sameeyaha reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa daqiiqadii 17-aad goolkii koobaad udhaliyay kooxda Liverpool, kadib baas wanaagsan oo uu ka helay Adam Lallana.
Shan daqiiqo kadib Daniel Sturridge ayaa hogaanka udheereeyay kooxda Liverpool, waxaana ciyaarta uu ka dhigay 2-0.
Kooxda LIVERPOOL ayaa laga diiday gool rasmi ah oo uu dhaliyay Allen, hase ahaatee garsooraha ayaa calaamadeeyay inuu ahaa Offside.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku haysay naadiga Liverpool, iyadoo macalin Klopp uu guul isa siiyay.
Si kastaba, weeraryahanka badalka kusoo galay ee Southampton Sadio Mane ayaa daqiiqadii 50-aad rigoore ka qasaariyay kooxdiisa.
Hase ahatee 64-daqiiqo markii ay ciyaarta mareysay Sadio Mane ayaa iska meyray ceebtii isagoo dhaliyay gool cajiib ahaa ciyaartana ka dhigay 2-1.
84-daqiiqo markii ay ciyaarta mareysay kooxda Southampton ayaa heshay goolka bar bardhaca, waxaana udhaliyay weeraryahanka reer Italy ee Graziano Pelle, ciyaarta ayaana noqotay 2-2.
Labo daqiiqo kadib ayaa Sadio Mane uu quusiyay Kooxda Liverpool isagoo ciyaarta ka dhigay 3-2, waxaana Klopp soo gaartay gul daro xanuun badan.
Kooxda Southampton ayaa nooleysay rajadii ay sanadka danbe ku imaan laheyd tartanka Yurub iyadoo haatan leh 47 dhibcood halka Liverpool ay wali ku jirto kaalinteedii 9-aad iyadoo leh 44 dhibcood.