Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Waddanka Spain ayaa la soo warinayaa inay racfaan ka qaadanayso kaarkii labaad ee Jaalaha oo la siiyey kabtankeeda Sergio Ramos kulankii furitaanka horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.
Kabtan ramos ayaa garoonka laga saaray dhammaadkii ciyaarta kaddib markii la tusay kaarkiisii labaad ee digniinta kulankii ay Los Blancos 3-0 kaga badisay Deportivo La Coruña ee furitaanka horyaalka Spain.
Difaaca xulka qaranka Spain ayaa markii hore la siiyey jaalle mar uu qalad ku galay Fabian Schär, waxaana xigay inuu misane xusul ku dhuftay Borja Valle, taasoo uu ku muteystay in garoonka laga saaro.
Waxa uu Ramos nasiib ku lahaa inaan la siinin kaarka cas oo toos ah kaddib markii uu dharbaaxo ku dhuftay Schär daqiiqaddii 53-aad ee ciyaarta markii ay isku dhaceen ayaa hadda kooxdiisa Real Madrid waxa ay doonaysaa inay racfaan ka qaadato kaarkii labaad ee digniinta oo la guddoonsiiyey kabtankeeda Ramos.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxda Real Madrid ay kalsooni ku qabto inay ku guuleysan doonto racfaankan, isla markaana ay ka hortagi doono in kabtankeeda Ramos lagu rido halkulan oo ganaax ah.
Haddii la soo diido racfaan ay Real Madrid ka qaadanayso kaarkii labaad ee Jaalaha ee uu qaatay kabtankeeda, Ramos waxaa la ganaaxi doonaa hal kulan, waxaana uu seegi doonaa kulanka Axadda ay la yeelan doonaan naadiga Valencia.
Sergio Ramos kaarkan cas ee uu qaatay kulanka furitaanka horyaalka La Liga ayaa ka dhigan inuu guddoomay kaarkiisii casaanka ahaa ee 18-aad ee horyaalka, isagoo sidaas ku noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu casaan qaadashada badan taariikhda Horyaalka La Ligaha Spain.