Kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa ku dhawaaqday in Frank de Boer uu yahay macallinkooda cusub, isla markaana uu qalinka ugu duugay heshiis saddex sanadood ah.
47-sano jirkaan De Boer, kaasoo ku soo guuleystay shan horyaalka Holland ah intii lagu guda jiray waqtigii uu u ciyaarayey Ajax ayaa sidoo kale kooxdaas kula guuleystay afar horyaal isagoo tababare u ah intii u dhaxaysay sanadihii 2010 ilaa 2016.
Tababarahan reer Holland ayaa la wareegay shaqada Inter Milan xagaagii hore, laakiin waxa uu la joogay kaliya saddex bilood kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga, iyadoo uu kooxda guuldarro ku hoggaamiyey 7 ka mid ah 14 kulan oo uu layliyey.
De Boer ayaa ahaa todobaadkii la soo dhaafay shaqsiga ugu cad-cad inuu bedeli doono shaqada Palace ee uu ka tagay macallin Sam Allardyce.
Waxa uu De Boer u saftay xulka qaranka Netherlands 112 kulan, waxaana uu hadda qalinka ugu duugay heshiis saddex sanadood ah kooxda ka dhisan garoonka Selhurst Park.
Kooxda Crystal Palace ayaa kulankeeda ugu horreeya xilli cyaareedkan cusub ee 2017-18 horyaalka Premier League gurigeeda ku qaabili doonta naadiga ka soo dalacday heerka labaad ee Huddersfield Town 12 bisha August.