Kooxda AS Roma ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in xidigeeda khadka dhexe ka cayaaro Radja Nainggolan heshiis cusub ka saxiixday.
Warbixintan rasmiga ah waxaa lagu sheegay in Radja Nainggolan uu qalinka ku duugay heshiis gaarayo ilaa xagaaga 2021.
Laacibka reer Belgium wuxuu doortay inuu 4-sano u saxiixo kooxdiisa Roma halka uu u baqooli lahaa meel kale ayadoo ay baadi goob ugu jireen kooxo ay ka mid yihiin Chelsea, Man United iyo Inter Milan.
Radja Nainggolan oo 29-jirkan wuxuu yiri “Waxaan qaaday talaabadii aan rabay inaan marwalbo qaado”
“Waan faraxsanahay madaama aniga iyo kooxda aan isla sii shaqeyn doono waxaana u hanqal taagaya waxa inoo qabsoomi karaan”
Radja Nainggolan kooxda Roma wuxuu kusoo biiray Janaayo 2014 waxaana ka hadlay talaabada uu qaaday xidigan madaxweyna Roma James Pallotta oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay arnkaan.