Kooxda Arsenal oo afka ciidda loo daray

Arsenal oo toban ciyaartooy ku dheelaysa ayaa laga reebay horyaalka Yurub ee Champions League oo ay ka gaareen wareegga 16ka, ka dib markii ay jab kala kulmeen qaybtii dambe ee ciyaartii ay la yeesheen kooxda Bayern Munich.

Go’aan dood la galiyay oo dhacay daqiiqadii 53aad ee ciyaarta ayaa baabi’iyay rajadii ay Arsenal ka qabtay in ay noqoto kooxdii u horaysay ee iska magta afar gool oo Champions League lagaga dhaliyay is araggii koobaad, Arsenal ayaa is aragii koobaad ee Jermalka ka dhacay lagaga adkaaday 5-1.

Arsenal ayaa hogaanka ku qabatay gool qurux badan oo uu dhaliyay Theo Walcott daqiiqaddii 20naad, ka hor inta aan Bayern loo dhigin rigoore sababay in ciyaarta laga saaro Laurent Koscielny oo difaaca Arsenal ka mid ah.

Garsoore Anastasios Sidiropoulos ayaa Laurent siiyay kaarka jaalaha ka dib markii uu khalad ka galay ciyaaryahan Robert Lewandowski balse kaarka guduudan ayuu ku daray markii ay u cadaatay in uusan dhanka kubadaba aadin markii uu khaladka galayay.

Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa u muuqday in uu aad uga carooday isbadelka degdega ah ee uu qaatay garsoorahu.