Kooxda AC Milan Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay...

Kooxda AC Milan Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Heshiiska Lucas Biglia

SHARE

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay Lucas Biglia oo ay kala soo wareegtay kooxda Lazio waxayna Milan saxiixa xidigan ka soo bixisay 17 milyan oo euros iyada oo waliba ka bixin doonta 3 milyan oo dheeraad ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka uu AC Milan ku soo bandhigo.

Lucas Biglia oo 31 sano jir ah ayaa jimcihii u soo duulay Milano wuxuuna tijaabada caafimaadka markii uu ka gudbay isla markaana heshiiskiisa la dhamaystiray uu si rasmi ah u noqday ciyaartoy AC Milan ah.

Saxiixa Lucas Biglia ayaa ku garab socday heshiiskii lama filaanka ahaa ee ay Milan kula soo wareegtay Leonardo Bonucci.

Lucas Biglia ayaa AC Milan u saxiixa qandaraas dhacaya ilaa June 2020 wuxuuna qayb ka noqday kooxda gacaanka cusub ah ee laga sameeyay Milan-ta cusub.

Lucas Biglia ayaa sanadkii 2013 kii Lazio kaga soo biiray kooxda RSC Anderlecht waxayna markaas ka soo bixisay 8.4 milyan euros oo kaliya wuxuuna hadda ku jiray sanadkii ugu danbeeyay ee heshiiska kooxda uu ka soo wareegay ee Lazio.

Warka AC Milan ay ugu dhawaaqday heshiiska Lucas Biglia ayaa lagu yidhi: “Waa dhan tahay!. Lucas Biglia waxa uu si rasmi ah u noqday casaan iyo madaw. AC Milan waxay faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo saxiixa Lucas Biglia oo ay kala soo wareegtay SS Lazio. Ciyaartoygu waxa uu qalinka ku duugay heshiis saaddex sano ah oo dahcaya June 30,2020”.

Xigasho Laacib.net