Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta soo gabagabeeyay Dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Qabashada gudoomiyaha Baarlamaanka, gudoomiye kuxigeenka kowaad iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ilaa iyo Maanta dhageystay khudbadaha 20 Musharax oo u taagan gudoonka Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxii ka dambeeyay isku diyaarinaya Doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa , ka dibna waxa ay u gudbi doonaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.