Khilaaf ka dhex taagan xisbiga AK

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in xisbiga talada haya ee AK, uu kulan yeelan doono dhammaadka bishan si uu u doorto hogaamiye cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay labada mas’uul ee Turkiga ugu sareysa.

Hogaamiyaha xisbiga AK, ahna Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaan la fileyn inuu u istaago dib u doorasho.

Mr Davutoglu ayaa la sheegay inuu si cad u diiday siyaasado kala duwan oo uu wato madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, gaar ahaan qorshihiisa ku aaddan bedelida dastuurka Turkiga.

Weriyaha BBC ugu soo warramaya Ankara ayaa sheegaya in dalka uu hadda galay xaalad siyaasadeed.