Xudur-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Maamulka Koonfur Galbeed iyo xoogaga ururka Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Dudumaale oo 30-KM u jira degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Dagaalkan oo ay qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ku beegsadeen fariisin Shabaab ay isku uruursanayeen, halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal aad u qaraar.
Guddoomiyaha degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen ilaa 10 Dagaalame oo Shabaab ka tirsanaa, ayna dhaawaceen 11 kale.
Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha in dagaalkan dhankooda looga dilay ilaa 5 Askari halka ay ka dhaawacmeen 3 kale, wuxuu kaloo Maxamed Macalin sheegay inta uu dagaalka socday in ay Ciidamada la wareegeen degaano dhowr ah.
“Shabaab waxa ay dhibaato badan ku hayaan Shacabka, waxaan diyaar u nahay inaan furno dhammaan wadooyinka, kana dulqaadno shacabka dhibaatada Shabaab, meelo badan ayaan isku horfadhinaa raggan, dhowaana weeraro ayaan ku qaadi doonaa haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Xudur.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhowaan Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed faray in ay qaadaan dagaallo ka dhan ah Shabaab, si looga saaro guud ahaan degaanada maamulka.