Baydhabo-RisaalaFM- Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ay xabshiga dhigeen siyaasyiin la sheegay in ay mucaarad ku yihiin maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ee Koonfur Galbeed.
Markii aan warkaas maqalnay ayaa waxaan la xiriirnay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulkaasi, si arrimahan aan wax uga qeydiino.
C/risaaq Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa Risaala u sheegay in waxba kama jiraan uu yahay warka sheegay in la soo xiray siyaasyiin dhaliilsan maamulka.
Dhanka kale wuxuu sheegay cidkasta oo loo arko in ay qalqal gelineyso amniga, Ciidamada ay u amran yihiin in ay soo qabtaan oo ay soo xiraan, si loola tiigsado sharciga.
“Dabcan wax siyaasi ah oo la soo qabtay ma jiraan, laakiin dad degaanka ah oo la soo qabtay way jiraan oo lagu tuhmay falal la xiriiro amni daro, ma jirto cid ka sareysa sharciga, Baydhabo waxaa ka socda howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka.” Ayuu yiri Wasiir C/risaaq.
Warar madax banaan oo ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya ilaa Saddex xubnood oo siyaasyiin ah oo waday olole ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed in la soo qabtay.