Kevin de Bruyne Iyo Vincent Kompany Oo Neefta Ka Fujiyay City

Labada ciyaaryahan ee Manchester City Kevin De Bruyne iyo Vincent Kompany ayaa loo diyaariyay in ay wajahaan kooxda Barcelona iyadoo hadda lagu bilaabay daweyn deg deg ah.

ciyaaryahanada reer Belgium ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kulankii Swansea toddobaadkii la soo dhaafay ay laba jeer jkooxdoda wajahday.

De Bruyne ayaa dhawac muruqa ah uu kasoo gaaray kulankii kooxdiisa 3-1 Premier League kaga badisay Swansea, halka Kompany uu isna dhaawac kasoo gaaray kulankii tartanka EFL ee isla kooxda ka dhisan Welsh.

Kooxda City ayaa hadda heshay aqbaar farxad leh, kadib markii lagu wargeliyay in labada ciyaaryahan diyaar ay noqon karaa kulanka Champions League ee ka dhanka ah kooxda Barcelona.