Xog-hayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay in wadahadalada nabadda ee Suuriya ay qabsoomayaan maalinta Isniinta ah, sidii markii horeba qorshahu ahaa.
Wadahadaladan oo uu horkacayo Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa in uu ka dhaco Geneva, iyada oo kooxda mucaaradka ugu weyn ay cadeeyeen in ay ka qeybgalayaan kullankaasi maalintii Jimacaha aheyd.
Mr Kerry, oo hadlay mar uu u soo dhamaaday booqasho uu ku tagay dalka Sacuudiga, ayaa waxa uu sheegay in xabad joojintii ugu dambeysay ee lagu dhawaaqay bishii Feberaayo, ay u muuqato mid weli jirta, heerka rabshadahana ay hoos u dhaceen boqolkiiba sagaashan.
Mr Kerry, ayaa intaa ku daray in saraakiisha Maraykanka iyo Ruushka ay ku kulmayaan gelinka dambe ee maanta magaalooyinka Cummaan iyo Geneva, si ay uga wadahadlaan cabashooyinka mucaaradka ee ah eeda la xiriira in lagu xadgudbay xabadjoojinta.
Xigasho BBC