Muwaadin Kenyan ah oo muddo ka badan 14 bilood lagu heystay dalka Soomaaliya ayaa dib ula midoobay qoyskiisa, kadib markii maalintii shalay uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
James Gachamba Kuria, oo la shaqeynayay xarun caafimaad oo Kenya laga leeyahay ooka shaqeyneysay gobolada dhexe, ayaa laga badbaadiyay kooxdii afduubatay markii ciidamada sirdoonka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen halka lagu heystay.
Loise Njoki Weru, oo lala afduubtay Mr James ayaanan nasiib u yeelan in lasoo badbaadiyo waxaana la sheegay iney wali gacanta ku hayaan kooxahii afduubtay.
Kooxaha hubeysan ayaa labadooda ka afduubtay duleedka degmada Cadaado, waxaana la geegayay deegaan hoos taga degmada oo Cadaado u jiro 160 km.
James Gachamba, oo qoyskiisa dib ula midoobay ayaa u mahad celiyay ciidamada dowlada Soomaaliya isaga ka dalbaday iney soo badbaadiyaan haweeneyda ay isla shaqeynayeen.
Gachamba. ayaa la sheegay in Soomaaliya uu ka qaban jiray iibinta daawo dhireedka isaga iyo haweeneyda lala afduubtay ka hor inta aan la afduuban 24 November sanadkii 2014.