Madaxda dowladda Kenya iyo sidoo kale shacab iyo siyaasiinta dalka ayaa wali ku jahwareersan tirada ciidanka kenya ee lagu dilay weerarkii cuslaa ee ka dhacay deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.
Dadka kunool dalka Kenya ayaa ku eedeeyay madexweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta in uu ka gaabiyey ogaanshaha iyo sidoo kale soo bandhigida Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Ceel-Cade.
Eheladii askartii lagu dilay deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo ayaa weli aaminsan in ay jiraan qaar ka mid ah askarta Kenya oo aan weli dhiman ayna gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab.
Dowladda Kenya waxay shaacisay oo keliya in ay ogtahay dhimashada 141 askari oo ka tirsan ciidanka difaaca dalka Kenya kuwaa soo ku dhintay xasuuqii Ceel-cade.
Lakiin Shabaab dhankooda waxay sheegeen in ay dileen 300 oo askari oo k atirsan ciidanka dowlada Kenya ,waxayna shabaab Vedio ay soo saareen ka dhex muuqday askar Kenyan ah oo ay sheegeen in ay noloshada kusoo qabteen.
Ilo madax banaan oo caalamka jooga ayaa sheegay in tirada ay dhan tahay 200 oo askari lakiin dowladda Kenya ay ka cabsi qabto hadii la shaaciyo in ay dhacaan banaan baxyo looga soo horjeedo hogaanka Kenya.
Madexweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenya ayaa weli waxaa kusoo laablaabanaya su’aalaha jawaabta loo la’yahay ee ah imisa ayaa lagu dilay dagaalkii ceel-cade.
Mucaaradka dowladda Kenya ayaa halheys ka dhigtay in dowladda Uhuru Kenya aysan cadeyn dhimasho iyo nolol guutooyin ka tirsan ciidanka Kenya kuwasoo la aamisanyahay in ay ku dhinteen dagaalkii Ceel-cade.
Waalidiinta askartii lagu dilay Ceel-cade ayaa mar walba warbaahinta u sheegay in ay arkaan wacitaano ka imanaya dalka Soomaaliya oo u sheegaya in wiilashoodii ay nool yihiin Shabaabna ay gacanta ku hayaan.