Kenya oo gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsan Shabaab

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda kenya ay gacanta ku dhigtay nin looga shakisanyahay in uu ka tirsan xarakada Al-shabaab.

Wargayska Daily Nation ee kasoo baxa dalka kenya  ayaa kasoo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dalka Kenya in gacanta lagu dhigay Javan Morton Murai oo ahaa arday wax ka baran jiray jaamacada lagu magacaabo Kabarak University.

Javan Morton Murai  waa 27 sano jir kasoo jeeda gobolka Vihiga County  dalka kenya.

Dowladda Kenya ayaa Waxa  ay  sheegay ninkaas lagu qabtay gobolka Marsabit isagoo kusii jeeday dhinaca Soomaaliya.

Ilaha baarista dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa laga soo xigtay in ninkaas lagu soo qabtay waxyaabo muujinaaya in uu ka tirsan urur argagixiso.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka Argagixisada ayaa u sheegay warbaahinta gudaha kenya in  ay ku raad joogaan dagaalyahano kale oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ku waa soo oo lagu tuhmaayo in ay sugan yihin gudaha dalka Kenya.