Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.
Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.
Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi Bari.
“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Mr Daniel Bundotich.
Dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa Talaadadii la soo dhaafay dilay Afar sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya oo ku roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.
Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin, kuwaas oo u dhameystiran qalabkooda Ciidan.
Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga jirta sidii ay u soo afjari lahayd Shabaabka ku dhuumaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya, waxaana Ciidamada Difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan degaanadaasi.