Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa weerar ku qaaday saxaafadda iyadoona maalmihii lasoo dhaafay ay wargeysada arimaha Sports-ka qaarkood ay qoraayeen in Pogba uu u murugoonayo waayihii Juventus.
Pogba ayaana afar sano kusoo qaatay kooxda ka dhisan Turin, waxa uuna kula guuleystay horyaalka Serie A mid kastoo kamida xilli walba.
Waxa uuna yiri: “ kaliya waxaan u tagay fasax haddana waan kasoo laabtay, runtii waxba isma bedelin, anigu waxaan ahay isla qofka” .
Xiddiga reer France ayaana hadalkan sheegay kadib ciyaartii kooxdiisa United ay 1-1 kula gashay garoonka Gudson Park kooxda Everton Axadii xalay.