Juventus oo xaqiijisay Horyaalkeedii 7-aad oo Xiriir ah

epa06352954 Juventus' defender Mattia De Sciglio celebrates with his teammates after scoring the 2-0 lead during the Italian Serie A soccer match Juventus FC vs Crotone FC at Allianz Stadium in Turin, Italy, 26 November 2017. EPA/ALESSANDRO DI MARCO

kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa booqatay caasimadda talyaaniga kooxda ka dhisan ee As Roma kullan ka tirsan Horyaalka Serie A.

Old Lady ayaa heshay hal dhibic oo muhiim ahayd maadaama ay ku xaqiijisay hanashada Scudeto markeedii 7-aad oo xiriir ah.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay barbarro goolal la’aan ah taasoo ka dhigan in Juve ay tiigsatay 92 dhibcood, halka kooxda loollanka kula jirtay ee Napoli rucle kusoo gaartay 88 dhibcood.

Ciyaartii xalay ka dhacday Stadio Olimpico ayaa kusoo idlaatay 0-0, walow labada kooxood ay sameeyeen fursado badan, balse ugu dambeyn ay noqotay mid la is mari waayo, Halka Napoli ay 2-0 kaga soo adkaatay kullan ay gurigooda ku booqdeen kooxda Sampadoria.