Juventus ayaa sarre uqaaday xaalada ay ku dooneyso Alexis Sanchez iyadoo la siinayo Arsenal ninka diirada u saaran tahay Miralem Pjanic, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Italy.
xiddiga reer Chile ayaa weli heshiis cusub u saxiixin kooxda ku ciuyaarta garoonka Emirates, waxaana jira walaac sii kordhaya oo ay qabto kooxdiisa.
Arsene Wenger, ayaa dhanka kale, xiiso u qaba Pjanic oo kamid ah ciyaartooyda bartilmaameed uu ah xagaaga inuu lasoo wareego.
warbixinta lagu qoray maanta TuttoSport ayaa lagu sheegay in kooxda Juventus u isticmaali doonto saxiixa Sanchez xiddiga reer Bosnian.
Kooxda Bianconeri ayaa dooneysa in markii lixaad ay ku guuleysato horyaalka talaayniga – waxaana xili ciyaareedkaan £ 75m ugu soo biiray Gonzalo Higuain.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo weli ay ku jiraan kaalinta koowaad ee Horyaalka, Max Allegri iyo ciyaartoydiisa ayaa durbaba laga badiyay afar kulan oo horyaalka ah, taaso ku qasbeysa in suuqa ay geliyaan dhaqaale badan.