Home Wararka Jubbaland oo baaq u dirtay shacabka

Jubbaland oo baaq u dirtay shacabka

SHARE

Kismaayo-RisaalaFM- Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

C/raxmaan Maxamed oo tusaale u soo qaatay weerarkii Beled-xaawo ayaa sheegay in taasi ay muujineyso wada shaqeyn la’aan ka dhexjirtay shacabka iyo Ciidamada ammaanka, Shabaabna sidaasi ay uga faa’ideysteen.

Wuxuu shacabka ka dalbaday Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen in ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan degaanada Jubbaland.

“Ummada reer Jubbaland waxa dhibaatada idinku haya waa tiro yar, waxaa wajib nagu ah inaan si isku mid ah ula dirirno Shabaab, waxaan idinku boorinayaa inaad gacmaha is qabsataan, oo aad u midowdaan codowgiina.” Ayuu yiri Wasiir¬†C/raxmaan.

Ururka Al-shabaab oo weerar saf balaaran ah ku qaaday fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka degmada Beled-xaawo ayaa sababay in halkaasi uu ka dhaco dagaal socday mudo saacado ah, geystayna khasaare kala duwan oo soo gaaray Ciidanka Jubbaland.