Home Ciyaaraha Jose Mourinho Oo Kashifay Sababta Rasmi ah Ee Uu Burburay Heshiiskii Alvaro...

Jose Mourinho Oo Kashifay Sababta Rasmi ah Ee Uu Burburay Heshiiskii Alvaro Morata

SHARE

Manchester United ayaa awoodi weysay inay heshiis dhanka lacagta ah la gaarto Real Madrid oo ku aadan saxiixa ciyaaryahanka sida uu xaqiijiyay tababaraha Red Devils Jose Mourinho.

Tababaraha Red Devils ayaa qirtay markii ugu horeysay isagoo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyknka inuu isku dayay inuu la wareego weeraryahanka Real Madrid.

United ayaa 60 milyan ginni ku dalbatay weeraryahanka reer Spain laakiin Real ayaa dalbatay 80 milyan ginni, waxaana uu heshiiska noqday mid burburay inkastoo Morata uu doonayay heshiiska oo uu xitaa shaqsi ahaan isku dayay inuu xaliyo kala duwanaanshaha lacagta ee labada kooxood.

Mourinho ayaa yiri: “Haa, waan xiiseyneynay, wax iska cad ayay aheyd, waana wax dadku ogyahay.

“Waxaan ku heshiin weynay dhanka dhaqaalaha, taas iyaduna waa ay cadahay.

“Laakiin Real Madrid xaq ayay u leeyahay inay dalbato lacagta ay ciyaaryahankeeda ku rabto.

“Anaga ma ahan kuwa dejiya qiimaha ciyaaryahan ay leedahay Real Madrid, Real Madrid ayaa idaasi sameysay, waxaana awoodi weynay inaan heshiis la gaarno Real Madrid.