Jose Mourinho oo Juan Mata iyo Daley Blind ka taqlusaya

Jose Mourinho ayaa qarka u saaran in uu iska iibiyo labada ciyaaryahan ee Juan Mata iyo Daley Blind xagaagan, sida ay sheegayaan wararka.

Tababaraha cusub ee Manchester United ayaa labada ciyaaryahan qaab ciyaareedkooda,aan la dhacsaneyn, waxaana uu ku qasbayaa in ay ka tagaan Manchester United.

Tababaraha reer Portugal, oo dhawaan booqday xarunta tababarka kooxda, waxaa la siin doonaa lacag badan oo dib u dhiska kooxda uu kaga qeyb qaato.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Blind iyo Mataayaan kujirin qorshaha Mourinho isagoo raadinaya hadda bedelkooda.

Mourinho wuxuu ahaa mas’uulkii Chelsea markii kooxda ay Mata ka iibisay kooxda Old Trafford