Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa uga digay Real Madrid inay waqti isaga lumiyaan saxiixa goolhaye David de Gea.
Saxafiyiin Isbaanish ah ayaa Mourinho weydiiyay xaalada goolhayaha lala xiriirinayo Real Madrid ka hor kulanka Champions League caawa ay ku wajahayaan kooxda Sevilla.
Tababaraha reer Portugal ayaa kalsooni ku qaba inuu goolhaye David de Gea kusii negaan doono kooxda Manchester United.
“Waxaan qabaa inuu sii joogi doono halkaan” ayuu Mourinho u sheegay wariyaasha fiidnimadii xalay.
“Ma aqaano sababta Real Madrid, laakiin haddii aan iyaga ahaan lahaa, waxan ka fekeri lahaa ciyaaryahan kale oo aan heli karo “ayuu yiri Jose Mourinho.
Goolhaye David de Gea ayaa bartilmaameed xoogan u ah kooxda ka dhisan caasimada Spain sannadihii lasoo dhaafay, waxaana loo arkaa inuu yahay bedelka saxda ah ee Kalor Navas.