Kabtanka Chelsea John Terry ayaa seegi doona kulanka axada ee wareega 16ka ee FA Cup ee ay Chelsea la ciyaareyso Manchester City isagoo weli qaba dhaawac muruqa ah.
Xiddiga khadka dhexe Oscar ayaa ka soo laabtay dhaawac kubka ah kulankii bartamaha isbuuca ee ay guuldarada ka soo gaartay PSG ee Champions League, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka axada isagoo laga yaabo inuu booska kala baxo Eden Hazard.
Nemanja Matic ayaa diyaar ah ka dib ganaaxii uu ku maqnaa ganaaxa ee Champions League, laakiin Alexandre Pato ayaan weli taam aheyn, waxaana dhaawac muddo dheer ah ku maqan Kurt Zouma iyo Radamel Falcao.
Dhanka kale, Hiddink ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo eedeyntii cusleyd ee uu isbuucaan la dhacay Roy Keane kubadsameeyaha Chelsea Eden Hazard.