Milkiilaha hamiga dhawaan saamiga ugu badan Everton la wareegay ee Farhad Moshiri waxaa dalab la yaab leh uu ka gudbiyay goolhayaha kooxda Manchester City Joe Hart.
nin lacagta heysta ee reer Iran ayaa diyaar u ah inuu ku dhawaad £ 40 milyan dalab ah u dirto xiddiga Manchester City madaama uusan dooqa koowaad u aheyn macalin Pep Guardiola.
Madaxweynaha Goodison Park ayaa Hart, sidookale lacag dhan £ 200,000-isbuuciiba siin doona.
Moshiri ayaa doonaya inuu dib u dhis xoogan uu ku sameeyo kooxda ka dhisan Merseyside awaxaana goolhayaha England uu hogaaminaya liiska dheer oo uu suuqa ka doonayo.
Everton ayaa weyneysa Tim Howardoo kooxda ka tagay iyadoo Joel Robles uu waqti niyad jab ah uu kujiro.
mustaqbalka Hart ee City ayaan la hubin , waxaana macquul ah inuu boos ku yeelan shaxda Guardiola xili ciyaareedka dambe.