Javier Mascherano miyuu ku biirayaa Liverpool Mustaqbalka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Javier Mascherano ayaa cadeeyay inuusan hadda qorshaha ugu jirin inuu ku laabto kooxda Liverpool .

Xiddiga Argentina ayaa ku riyaaqay saddex sano iyo bar oo uu ku qaatay garoonka Anfield intii u dhaxeysay 2007 iyo 2010 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Camp Nou,

“Dareenka aan u hayo Liverpool micnahiisu maahan inaan ku wajahan iyaga,” ayuu u sheegay The Guardian.

“Waxaan leeyahay wax badan oo jacayl ah oo iyaga ku saabsan iyo had iyo jeer waa xusuusan doonaa, laakiin haddii mustaqbalka koox Premier League isiiso fursad, ma dhihi doono kaliya hal koox ayaan u ciyaarayaa.

“Waxaan nahay xirfadlayaal, waa kan nool. Wax kasta oo dhaca, dareen aan Liverpool ma i beddeli doonto.”

Mascherano ayaa dareensan in Liverpool ay lehayed waqti adag, laakiin waxa uu dareensan inuu hadda isbdel kale oo muhiim ah sameeyay.