Home Ciyaaraha Jadwalka Xafladda Lagu Bixinayo Abaalmarinta Ballon d’Or oo la shaaciyay

Jadwalka Xafladda Lagu Bixinayo Abaalmarinta Ballon d’Or oo la shaaciyay

SHARE

Majaladda Faransiiska ee France Football oo mas’uul ka ah bixinta abaalmarinta shakhsi ahaaneed ee Ballon d’Or ayaa soo bandhigtay dhammaan jadwalka xafladda sanadkan lagu bixinayo abaaalmarinta.

Sannadkii hore, Ronaldo wuxuu kula guuleystay afar koob kooxda ka dhsian Santiago Bernabeu markaasoo loo aqoonsaday ciyaaryahanka sannadka FIFA.

Laakiin Majaladda Faransiiska ee France Football ayaa lasaadaalinayaa in ay wax ka bedeli karaan qaabka bixinta abaalmarinta sannadkaan.

Xafladda abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan waxaa lagu qaban doonaa halka lagu magcaabo Eiffel Tower.

Qaar ka mid ah qaababka ugu caansan ee caalamka ayaa loo agaasimi doonaa abaalmarinta ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka sannadkaan.

Cristiano Ronaldo ayaa jecel inuu markiisii shanaad ku guuleysto abaalmarintaan kadib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay kooxdiisa Real Madrid.

Weeraryahanka Real Madrid iyo Portugal, kaasoo ku guuleystay abaalmarinta laacibka sannadka FIFA, wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or markiisii shanaad.

Ronalod waxaa kula tartami doona abaalmarinta Messi iyo Neymar, waxaana laqaban doonaa habeenimo Khamiis ah 7 December , saacaduna tahay 9:45 Geeska Africa.