Ciyaaryahanka khadka dhexe Jack Wilshere ayaa garoomada kaga maqnaa dhawac inta badan xilli ciyaareedkan oo dhan ka dib markii qaliin looga sameeyay lugta sanadkii la soo dhaafay, laakiin wuxuu iyaari doonaa kulanka jimcaha soo socda 21-jirada Arsenal ay ku wajahayaan kuwa Newcastle garoonka Emirates.
Wilshere ayaa rajo weyn ka leh inuu markale tallaabo usoo qaado Premier League bisha soo socota, isagoo kooxda koobaad kusoo laban kara kulanka ka dhanka ah Crystal Palace April 17.
Roy Hodgson ayaa balan qaaday in 24-sano jirkaan xulka England ee Euro 2016 boos ka heli doono, haddii uu taam noqdo, iyadoo Wilshere noqon doono mid garoomada kusoo laabta bisha soo socota.
Manchester City khadkeeda dhaxe Fabian Delph ayaa ku dhow inuu taam buuxo u noqdo, iyadoo Tottenham xiddigeeda Dele Alli iyo Leicester ninka katirsan ee Danny Drinkwater laga yaabo in loogu yeero qaranka.