Arsene Wenger ayaa u sheegay Jack Wilshere inuu ka tago kooxda Arsenal bisha August, sida laga soo xigtay 26 jirkaan khadka dhexe.
Jack Wilshere ayaa shaaca ka qaaday inuu tababare Arsene Wenger u sheegay inuu ka tago Arsenal ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedkaan.
Wilshere ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana xiddiga heerka caalami ee dalka England lala xiriirinayaa koox badan oo ka dhisan qaarada Yurub.
Isagoo u diyaargaroobaya kulamada saaxiibtinimo ee England ku wajahayaan xulalka Holland iyo Talyaaniga, Wilshere ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu ka tago kooxda Arsenal ka hor bilowgii xilli ciyaareedkaan.
“Waxaan wada hadal daacad ah ah la yeeshay Wenger, wuxuu ii sheegay inaan ka tago kooxda,” ayuu yiri Wilshere.
Wilshere aya hatan kusoo laabtay shaxda koowaad ee Arsenal, isagoo 31 kulan kasoo muuqday tartamada oo dhan.