Ivan Rakitic Oo Ku Biiraya Liverpool- Barcelona Oo Qorshe Cusub U Heshay Saxiixa Philippe Coutinho

kooxda Barcelona ayaa lagu wadaa inay ka mid dhigto Ivan Rakitic heshiiska ay kula wareegeyso ciyaaryahanka Liverpool Philippe Coutinho, sida ay sheegayaan wararka.

Barcelona ayaa dooneysa kubad sameeyaha Liverpool Coutinho oo loo arko bedelka muddada dheer ee kabtan Andres Iniesta oo uu qandaraaskiisa dhacayo 2018ka.

Xiddiga reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la meel dhigay kooxda reer Catalans, waxaana la fahamsan yahay in labada kooxood ay ku heshiiyaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhaxe.

Wargeyska Express Sport ayaa ogaaday in Barcelona diyaar u tahay in ay Reds siiso lacag dhan £ 80million, Laakiin Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa soo diiday dalabkaas Coutinho uu kaga tagayo kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Spanish-ka ah ee Diario Gol ayaa ku waramaya maanta in Barcelona ay dooneyso inay ka mid dhigto heshiiska ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Rakitic.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaa waxaa si weyn u dooneysay Liverpool waayihiisii Sevilla 2014, laakiin wuxuu u dhaqaaqay Barcelona oo uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeyay guulo la sameeyay.

Liverpool Barcelona Transfer News Ivan Rakitic

Liverpool ayaa aqbali karta in heshiiska lagu daro Rakitic si Coutinho ugu dhaqaaqo kooxda kooxda ka dhisan Spain ee Barcelona.

tababare Ernesto Valverde ayaa hadda la filayaa inuu diyaar u noqdo xili ciyaareedka cusub ee kooxdiisa.

Rakitic iyo Coutinho ayaa labada saxiixay heshiis cusub xili ciyareedkii lasoo dhaafay,

Laakiin is dhaafsi ciyaaryahanada ayaa faa,iido weyn waxaa ku qabi kara kooxda kubadda cagta ee Barcelona oo muddo dheer ku raad joogtay Coutinho.