Israa’iil oo xirtay TV-ga Falastiiniyiinta

Ciidamada Israa’iil waxa ay xireen telefishan ay la haayeen Falastiiniyiinta oo ku yaala Daanta Galbeed.

TV-gaa Yahuudda waxay ku eedeeyeen inuu faafinayay warar naceyn abuuraya iyo kicin dad weyne.

Xalay, ciidamada Israa’iil waxay weerar ku qaadeen xarunta TV-ga oo lagu magacaabay Maanta iyo Falastiin oo fadhi u ahayd Ramallah.

Waxay qaateen qalabkii Telefishinka iyo war lalisyada xaruntaasi yaalay.

Barta amniga Inetrnet-ka ee Israa’iil, Shin Bet, waxa ay warbaahinta Falastiiniyiinta ku sheegtay inay u adeegto Islaamiyiinta iyo Jihaadka.

Waxa ay laantaasi sheegtay in TV-ga iyo barihiisa internet-ka laga baahiyo warar dhiira gelinaya weeraro ka dhan ah Israa’iil.

Kanaalkaasi oo sidoo kale xarumo ku leh marinka Qaza, waxaa la sheegay inay wararka ay u soo gudbinayeen Daanta galbeed ayagoo adeegsanaya war lalisyo yaalla dalka Lubnaan.