Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay Agagaarka Xeradda Generaal Goordan ee degmada Hodon oo dhawaan dowladda ay kala wareegtay Imaaraadka Carabta.
Saraakiil ka tirsan ciidamaddii dowladda Imaaraadka Carabta ay tababartay ayaa xaqiijiyay in Weerar ay kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.
Iska hor imaadkaan wuxuu ka dambeeyay, kadib markii saaka ay halkaasi tageen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga , islamarkaana isfahamwaa uu dhexmaray ciidamadii halkaasi ku sugnaa.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay isku qabsadeen Saanad ciidan oo xeradda ay kaga tageen Imaaraadka Carabta.
Ilaa iyo hadda Ma cadda waxyaabaha keenay in ciidamada dowladda ay ku dagaallamaan halkaasi, waxaana jirta in wali dowladda Imaaraadka Carabta ay daadgureynayso Alaabtii ka taallay Xeradda Goordon.
Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net