Dhakhaatiirta magaalada Xaleb ee dalka Suuriya ayaa sheegaya in cisbitaalka keliya ee lagu daweeyo dhallaanka halkaasi ku nool, ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymo ay u geysteen diyaaradaha dowladda iyo kuwa Ruushka.
Dr Xatim oo agaasime ka ah cisbitaalkaasi ayaa sheegay in duqeynta awgeed halkaasi laga saaray 9 canug oo dhicis ku dhashay, una baahnaa xannaano gaar ah.
Dakhtarka ayaa intaa ku daray in hadda ay magaaladaasi ka shaqeeyaan 7 cisbitaal, isla markaana ay aad u kooban tahay waxa ay u qaban karaan dadka gargaarka caafimaad u baahan.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in magaalada todobaadkan keliya lala beegsaday ilaa 600 oo duqeyn, boqolaal duqeymahaasi ka mid ahna waxa ay dhaceen 24-kii saac ee lasoo dhaafay.