Home Wararka Is rasaaseyn ka dhacday X/weyne

Is rasaaseyn ka dhacday X/weyne

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degamada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday is rasaaseyn khasaare geysatay.

Is rasaaseyntan oo u dhaxeysay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday nawaaxiga bacadlaha ee Degmada Xamar Weyne.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada Labada dhinac ay isku fahmi waayeen joojinta Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo halkaasi marayay.

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku geeryootey Is rasaaseyntan, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay Risaala u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa falkaasi kadib gaaray, waxaana la sheegay in gacanta lagu dhigay Ciidamadii bilaabay xabada.