Iran oo Cunaqabateyn Saartay Shaqsiyaad iyo Shirkado Mareykan Ah

Iran ayaa maanta ku dhawaaqday qorshe ay cunaqabateyn ku saartay sagaal shirkado iyo shaqsiyaad Mareykan ah, taasi oo ay uga jawaabeyso wax ay ugu yeertay go’aan “Sharci darro ah oo aan la aqbali karin” oo Mareykanka uu cunaqabateyn ku saaray Iran.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa lagu sheegay in kuwa canaqabateynta la saaray ay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha ayaga oo xiriir toos iyo mid aan toos ahayn la leh dambiyada Israel ay ka gasho dhulalka Falastiiniyiinta, oo ay taageeraan argagixisada.

Waxa ay sheegtay in magacyada shaqsiyaadkaas iyo shirkadaha lagu dhawaaqi doono dhowaan.

Wasaaradda Lacagata Mareykanka ayaa arbacadii ku dhawaaqday inay cunaqabateyn saartay laba sarkaal ciidan, shirkad Iranian ah iyo shabakad saldhigeedu yahay Shiinaha.

Xoghayaha lacagta ee Mareykanka Steven T. Mnuchin ayaa sheegay in saraakiisha Iran iyo shabakadda fahdigeedu yahay Shiinaha ay taageero siiyaan dowladda Syria iyo barnaamijka gantaalada riddada dheer ee Iran.