Home Ciyaaraha Inter iyo Juve oo isku heesta daafaca Lazio ee qandaraaskiisa sii dhamaanayo

Inter iyo Juve oo isku heesta daafaca Lazio ee qandaraaskiisa sii dhamaanayo

SHARE

Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayaa si toos ah ugu tartamayaan saxiixa daafaca tayada wanaagsan SS Lazio ka tirsan kaasi oo qandaraaskiisa sii dhamaanayo.

Stefan de Vrij ayaa ka madax adeegayo inuu Lazio heshiis cusub u saxiixo waxaana xagaaga dambe lagu heli karaa si bilaash ah.

Labada masuul ee Inter suuqa Yurub u qaabilsan Sabatini iyo Ausilio ayaa la xariireen wakiilka daafacan Holland u dhashay waxayna kala hadleen qaabkii uu xagaaga dambe garoonka San Serio ku imaan lahaa.

Stefan de Vrij wuxuu siweyn u tixgaliyaa tababare Luciano Spalltetti iyo falsafadiisa cayaareed wuxuuna jeclaan lahaa inuu San Serio usoo baqoolo.

Balse kooxda Juve ayaa dhankeeda qal qaalo xoogan ka wado xitaa waxay diyaar u tahay inay 25-jirkaan Lazio kasoo iibsato bisha Janaayo halkii uu si xor ah xagaaga dambe ugu biiri lahaa Inter Milan.