Home Wararka Immisa cod ayay kala heleen Musharaxiintii Guddoomiyaha Baarlamaanka ?

Immisa cod ayay kala heleen Musharaxiintii Guddoomiyaha Baarlamaanka ?

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa la soo gaba gabeeyay Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somaaliya oo barkhanimadii maanta ka bilaabatay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta tartameysay ayaa waxa ay kala heleen codadkan hordhaca ah:-

  1. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo noqday Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa helay 141 cod.
  2. C/rashiid Maxamed Xidig ayaa helay 97 cod.
  3. C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa helay 17 cod.
  4. Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa helay 2 cod.

Guddiga Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay maanta wixii ka bilowda Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya in uu yahay Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).