Abu Dhabi-RisaalaFM- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegtay in ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya gaar ahaan, Ciidanka Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska Imaaraadka Carabta Major General Mohammed Khalfan Al Rumaithi, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa ku kulmay Magaalada Abu Dubai.
Intii uu socday kulanka lagu qabtay xarunta Abu Dubai ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha danaha wadaagga ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala duwan ee Booliiska.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Abdulkadir Sheikhey Al-Xaatimi, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, iyo tiro ka mid ah saraakiisha sare ee Booliiska.
Kulanka ka dib, ayaa Gen. C/xakiin waxa uu booqday Waaxda Baarista Dambiyada, halkaas oo uu warbixin ku saabsan farsamooyinka ugu dambeeya iyo waxqabadka meelaha ee ilaalinta iyo ammaanka, kaga soo dhageystay saraakiisha maamusha xaruntaasi.
Ugu dambeyntii Major General Mohammed Khalfan Al Rumaithi Taliyaha Ciidanka Booliska Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay mar walba in ay garab siinayaan Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si ay u gaaraan hormaro ballaaran.