Iker Casillas oo si maldahan u sheegay Inuu ka fariisan doono Xulka Spain

Kabtanka Spain Iker Casillas, ayaa u muuqda in uu ka fariisanayo xulka qaranka Spain ka dib markii guuldarro 2-0 Italy kaga soo reebtay Euro 2016.

Casillas uma ciyaarin hal daqiiqo tartankaan xulka Spain, iyadoo goolhayaha Manchester United De Gea uu la wareegay booska dooqa koowaad ee xulka.

Casillas ayaa fariin uu soo dhigay warbaahinta bulshada, waxa uu ku muujiyay in uu qorsheynayo ka fariisiga ciyaaraha caalamiga ah.

Xiddigii hore ee Real Madrid, haddase ka tirsan kooxda Porto, waxa uu u muqday mid fariin cad oo uu ku miijinayay ka fariisigiisa ciyaaraha heerka caalami dirayay.

Casillas oo ah Goolhayaha iyo kabtanka qarnigaan ee xulka Spain ayaaa macsalaameyn doona xulka, ka dib markii uu 171 kulan u saftay, Waxa uu ahaa kabtanka xulkii ku guuleystay Euro 2008 iyo Euro 2012, iyo sidoo kale koobkii adduunka 2010.

Casillas, oo u saftay sanadkii 2000 markii ugu horeysay xulka ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhan aheyd Sweden, waxa u yeeray tababarihii waqtigaas hogaaminayay xulka ee José Antonio Camacho,

Waxa uu kaga tagi doonaa xusuus iyo tariikh wanaagsan kubadda cagta caalamiga ah ee Spain.