Xiisadda u dhaxeysa dalalka Iiran iyo Mareykanka ayaa Xoogeysatay, waxaana Dowladda Iiran ay sheegtay in ay tilaabooyin deg deg ah ay qaadi doonto hadii ciidamada Mareykanka ay usoo dhawaadaan goobta lagu sameeyo hubka Nukleerka Iiran.
Waxaa ay sheegtay in tilaabo kaste oo ay qaado Xukuumadda Washinton in ay xigi doonto is difaacid.
Hassan Rouhani madaxweynaha dowladda Iiran ayaa sheegay in xukuumadda Tahraan ay sii wadi doonto bacriminta hubka Nukleerka.
Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunoqabatayn cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah oo uu ku soo rogay Iran, taas oo ka dhalatay barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga ah waxaanu ku eedeeyey in uu barnaamijkaasi wiiqayo xasiloonida gobolka.
Washington waxay sheegtay in cunoqabatayntani beegsanayso dad iyo shirkado tiradoodu tahay sideed iyo toban oo taageera barnaamijka gantaalaha Iran ama ciidanka awoodda badan ee ilaalada Jamhuuriga Iran.