Idaacadda Risaala oo maanta afurin u sameysay 150 qof oo danyar ah (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta afurin u sameysay 150 qof oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool Waaxda Nageyle oo ah Waaxda 3-aad ee Degmada Kaaraan.

Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan ayaa waxaa maalin kahor loo magacaabay nin Da’yar ah oo lagu magacaabo C/qaadir Xasan Maxamed (Daadir), wuxuuna ka mid yahay Gudoomiye Waaxeedyada ku firfircoon shaqadooda.

Dadka maanta la afuriyay ayaa isugu jiray dad Da’ah iyo kuwa aan awoodin iney iska bixiyaan afurka, lacagaha afurinta loogu sameeyay dadkan ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala oo si toos ah ugu qeyb qaadanaayay Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo galabta kasta ka baxa Idaacadda Risaala.

Dadka ka faa’ideystay deeqdan afurinta ah ayaa u mahadceliyay Idaacadda Risaala iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay afurka la gaarsiiyay, iyaga oo sidoo kalemahadcelin u jeediyay Guddoomiye Waaxeedka Waaxda Nageyle C/qaadir Xasan Maxamed.

Ku simaha Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ahna Guddoomiye ku xigeenka degmada Saalax Maxamed Muuse ayaa Idaacada Risaala ugu mahadceliyay sida ay u afurisay dadka danyarta ah ee ku nool degmada Kaaraan, wuxuuna Risaala ku tilmaamay Hay’ad gargaar.

Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa galabta kasta Idaacadda Risaala ayaa ah barnaamij lacago loogu aruuriyo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan afurka.