Home Wararka Howlgal Miino Baaris ah oo ka socda Hiiraan

Howlgal Miino Baaris ah oo ka socda Hiiraan

SHARE

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay howlgallo Miino baaris ah waxa ay ka waddaan degaano ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne.

Howlgalkaan ayaa Miino Baarista ah ayaa yimid ka dib markii lagu arkay Miinooyin Wadooyinka gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Miinooyin badan oo Al-Shabaab ay ku aaseen Wadooyinka gobolka Hiiraan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda in howlgalkaan Miino bariista ay barbar socdaan howlgallo lagu dagaallamayo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay culeys badan saaray deegaanada gobolka Hiiraan.