Home Wararka Howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo ka socda Sh/dhexe

Howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo ka socda Sh/dhexe

SHARE

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Isbaarooyinka waxa ay ka bilaabeen degaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgaladdaan ayaa yimid ka dib markii ay kordheen Kooxaha Isbaarooyinka ka dhiganaya Wadooyinka  Shabeelaha dhexe.

Degaanada ay ciidamada howlgaladda ay ka  sameeyeen waxaa ka mid ah Cadale, Warshiiq, Raagaceele, iyo deegaano kale.

Dadka Shacabka ee degaanadaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay dhibaato ku hayaan Maleeshiyaad hubeysan oo Isbaaro dhigtay Wadooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray degaanada ciidamada ka qaadeen Jidgooyooyinka wuxuuna sheegay meelaha laga ceyriyay kooxaha hubeysan ee dadka dhibaateyn jiray in la keeni doono ciidamo amaanka suga si ay dadka deegaanka iyo kuwa safarka ay nabad galyo ugu noolaadaan.