Howlgal ka dhacay Hodan

Muqdisho-RisaalaFM- Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir xalay waxaa ka dhacay Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, kadib markii xalay xaafada Siigaale ee Degmada Hodan lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Siyaad Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda.

2 Dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka sarkaalka, waxaana Ciidanka Amaanka u suuragashay in isla goobta ay ku toogtaan mid ka mid ah kooxdaasi.

Howlgalka ayaa xalay ka dhacay xaafaha ay ka kooban tahay Degmada Hodan, waxaana si gaar ah uu uga socday xaafada Siigaale oo uu dilka ka dhacay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay Dhalinayaro tiradooda ay kor udhaafeyso ilaa iyo 10 Qof, kuwaas oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogyihiin dilka.

Todobaadkan gudahiisa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Labo sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya, waxaana Mas’uuliyada dilalkooda sheegtay Shabaab.