Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayay, sidoo kalena lagu bartilmaameedsanaayay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafado ciidamada ay ka hayeen macluumaad, waxayna ciidanka galeen guryo ay tiigsanayeen.
Ciidamada ayaa intii uu hawlgalka socday waxa ay soo qabteen afar ruux oo ay tuhmayaan, sidoo kale waxaa la sheegay in ciidanka ay soo qabteen qaraxyo lagu haayay guri.,
Intii uu socday hawlgalkan qorsheysan oo ay fulinayeen ciidamada Booliska Laantooda Dambi Baarista ee CID-da oo xogta lagu duulaayay huwaneyd ayaa waxaa laga soo qab qabtay xaafadihii hawlgalka uu ka dhacay rag la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah.
Saqdii dhexe ee xalay ayaa la soo gaba gabeeyay hawlgalka, iyadoo ciidamada Booliska ay horay u soo kaxeeyeen afartii ruux ee ay gacanta ku soo dhigeen.
Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID ayaa la geeyay dadkii ciidanka ay soo qabteen, halkaasi oo Baaritaan dheeri ah lagu marsiinaayo.