Howlgal gaar ah oo ka socda degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Howlgal gaar ah ka wadaan degmada Jalalaqsi iyo degaanada hoostaga ee Gobolka Hiiraan, waxaana Howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka.

Masuuliyiina maamulka degmada Jalalaqsi ayaa waxa ay sheegeen in Howlgalkan looga gol leeyahay sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa, islamarkaana looga hortegi lahaa weerarada ururka Al-shabaab.

Madaxda Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay dhowaan ku dhawaaqeen Dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab, kaasi oo hada uu socdo abaabulkiisa iyo sidii shacabka loogu dhiiragelin lahaa.

Bashiir Cali Daahir, Radio Risaala, Jowhar.